Home » GORFEYN » Ururka Active oo ay iskugu soo hareen Gudoomiyaha iyo laba saaxiibadii ah

Ururka Active oo ay iskugu soo hareen Gudoomiyaha iyo laba saaxiibadii ah

 

Sida aan wada ognahay wax walbo oo lagu dhiso Caadifad iyo in Dad lagu mucaarado ma yeeshtaan cago badan iyo cimri dheer.

Ururka Dhalinyarada ee la magac baxay Active ujeedadiisuna aheyd burburinta iyo kala geynta Dhalinyarada reer gedo gaar ahaan Beesha Fiqimuxumed oo ay wadeen rag siyaasad doon ah ayaa haatan taagan quus kadib markii ay waayeen wax u yimaado.

Ururka oo aas aasan mudo halsano ah ayaa waligiis yeeshtay hal kulan kaas oo ahaa xafladdii lagu daahfurayay ururka.

Dhammaan dhalinyarada inta garaadka iyo Caqliga u saaxiibka ah ayaa dhaliilsanaa ururkaan laga garab dhisay Golaha Dhalinta Gedo oo ah urur ballaaran kana dhisan dhammaan inta wadan ee Soomaalida ku nooshahay.

Guddoomiyaha ururka Active Cabdulaahi Macalin ayaa ku hongoobay iskudayo badan uu damacsanaa in uu dhalinta ku kala qeybiyo isagoo horay u burburiyay urur weynihii Dhalinta Fiqimuxumed.

Waxaan soo qori doonaa tariikhda madow ee Guddoomiyaha Active iyo siyaasiyiinta Taakuleyso ,ujeedooyinka laga leeyahay iyo dhammaan Macluumaadka la xiriiro ururkaas.

Ugu danbeyntii waxaan rabaa inaan gaarsiiyo dhammaan Dhalinyarada Fiqimuxumed in loo baahanyahay midnimo iyo is taa kulen lagana feejignaado kala qoqob iyo is naceyb

 

Axmed Abuukar Islow

  
        
          

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*

  • Buraan Bur loo tiriyay Wiilasha Boholgaras

  • Gabay deefoow

  • Degmada Boholgaras