Home » MUUQAALO » Side ku noqon karta arday aqoontiisu sarayso ?

Side ku noqon karta arday aqoontiisu sarayso ?

Adiga matahay mid ku liita waxbrashada misana  adigo haysta  awoodi wax lagu baran lahaa? Sido kale adigu matahay mid ku wanagsan waxbarashada misena  hamigaaga  ma uhoseeya? . Aqri maqaalkan,waxad ogaan doontaa dhibta meesha ay kahaysato kadibna waxa noqoneysa mid ka caajisa waxyaalo badan sida dhexgalka bulshada ,tamashleenta iyo waqti dhumiska.  Ardayga dhabta ah mabahaysto waqti uu ku tamashleeyo .

tilaabooyinkan raac si aad unoqoto arday aqoontiisu sareyso:

1-jabi cajiska oo kala fur bugaagta: suuragal maha inaad noqoto caaqil adigoon eegin bugaagta,waxad ubaahantahay inaad barato misana aad balaariso erayda cilmiga ah,taasina waxay ku imaani karta wa adigo iskuulka ama jaamacada arooti taga ama udheelmada,midaasina waxay ku sababaysaa inay hormarto habdhaqanka nolashaada iyo culuumta kala duwan aad baraneyso. Hadii aysan taasi dhicinna ardaynimadaada ashamaha waxad dhex maquuranaysaa xaalad sababaysa guuldaro .

2-iska dami ama aamusi telfoonka inta aad ku dhexjirto waqtiga waxbarashada: sababto ah kuguma kaalmeynayso inaad horay usiisocto ama aad waxbadan faa,ido ,iskabadaaye wuxuu kuu sababaa wahsasho iyo caajis aan dhamaanin.

3-kashaqey oo ka jawaab sualahaama  leyliga macalika ama macalimada aykuu dirtay : tani waxay ku caawini dontaa inaad fahanto darajada sare sida lagu helo ama lagu  gaaro,maah maah soomaaliyeed ayaa waxay ledahay (waxa lagu daalin laguma dheefsado) side ku guul gaari kartaa ama darajo sare ku heli kartaa hadiiba adan dadaaleyn.

4-noqo qof nidaamsan: si kalsoni ay ku jirto ukala fur buuga, kadibna aqri waxa aadan fahminna hoosta ka xariiq,iskuna day inaad soo koobto si cilmiyeysan,hadalka ama qoraalka wuxuu dhadhan leeyahay marka uu uruursanyahay(koobanyahay ).

5-xooga saar dhageysiga maclimada ama macalinka waxa uu kahadlayo : aad ayey muhiim utahay baraha ama macalimka waxa uu kahadlayo si qotodheerleh inaad ufahamto ,hana ilaawin inaad wax ka qorto muxaadarada ama casharka ujeejdinayo malaclimka, sababto ah waxay ku noqoneysa keyd aad ulaabato misana aad ka faido.

6-kudayo aqoonyahayka aad isleedahay aqoonta heer sare ayuu ka gaaray : hadii uu jiro qof aad ka heshay cilmigiisa iyo aqoonta uu gaaray,qofkaas daraasad buuxdo ku sameey, waxa uu sameeyay ama uu ku gaaray heerka aqoonta, iskuna day dabecadihiisa inaad wax ka barato ,markii lagu jiro xiliyada fasax muxu sameyan jiray ? Jadwalkiisu noolal maalmeed sidee buu ahaa ? Dhanka cilimiga darajooyinka uu ka haysto mid sareyso miyaa mise waa mid hoseysa ? hadii uu yahay qof awaalmarino qaali ah qaatay muxu ku helay oo uu sameeyay? Waxaas oo idil waa muhim in aad wax ka ogataa qofka aad dooneyso sidaasa okale aqoonyahan aad noqoto.

GABAGABADI IYO GUNAANADKII: wax brashada waa furaha noolasha ka dheerow jahliga madow marna yuusan dagin qalbigaag.

W/Q: Ismaaciil gaarane

  
        
          

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*

  • Buraan Bur loo tiriyay Wiilasha Boholgaras

  • Gabay deefoow

  • Degmada Boholgaras