Home » WARAR » Nin wiil uu adeer u ahaa ku toogtay duleedka Jowhar

Nin wiil uu adeer u ahaa ku toogtay duleedka Jowhar

[post_grid id=”127″]

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in galabta uu duleedka magaaladaas lagu dilay nin dhalinyaro ah.

Dilkan oo ka dhacay tuulada Kalluundi ayaa yimid ka dib markii nin lagu magacaabo Xasan Xaaji Daauud uu halkaas ku dilay wiil uu adeer u ahaa oo la oran jiray Abaadir Ismaaciil.

Goob joogayaal ayaa sheegaya nin wiilka la dilay iyo adeerkii uu ka dhexeeyey muran salka ku haya milkiyada beer tuuladaas ku taalla, kaasoo muddo dheer soo jiitamayey.

Ninka toogashada ku dilay wiilka uu adeerka u ahaa ayaa la soo sheegayaa inuu u baxsaday tuulooyin kale oo halkaas ku dhow, ciidamada amaanka dowlada ayaana baadi goob ku haya.

Falkan dilka ah ayaa waxaa si weyn uga argagaxay dadka ku nool tuulada Kalluundi, iyadoo galabta illaa caawa dilkan si weyn looga hadal hayo magaalada Jowhar iyo degaanada hoos taga.

  
        
          

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*

  • Buraan Bur loo tiriyay Wiilasha Boholgaras

  • Gabay deefoow

  • Degmada Boholgaras