Home » WARAR » Madaxweynaha iyo wafdi uu hor kacaayo oo ka ambabaxay Muqdisho halkee ayey ku wajahanyihiin?

Madaxweynaha iyo wafdi uu hor kacaayo oo ka ambabaxay Muqdisho halkee ayey ku wajahanyihiin?

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Max’ed Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyay safarka Madaxweynaha.

“Madaxweynaha JFS waxaa uu ku sii jeedaa dalka Masar, ka dib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa dalkaasi, wuxuu la kulmi doonaa madaxweynaha dalkaasi C/fataax Al-sisi, waxaa ku wehliya safarka adaxweynaha xildhibaano, wasiiro oo ay ka mid yihiin wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada”, ayuu intaa ku daray Agaasimaha.

Madaxda labada dal ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xiriirka labada dal, iyadoo dhanka kale madaxweyne Farmaajo uu maalinta isniinta ah la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyaya wefdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mas’uuliyiin sare oo katirsan Dowladda, xubno ka kala socoday Golayaasha kaladiuwan ee Dowladda iyo saraakiil

  
        
          

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*

  • Buraan Bur loo tiriyay Wiilasha Boholgaras

  • Gabay deefoow

  • Degmada Boholgaras