Home » WARAR » Madaxweynihii hirshabeele oo ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay

Madaxweynihii hirshabeele oo ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay

Madaxweynihii maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo goordhaw Warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Jowhar ayaa ka hadlay xil ka qaadis maalintii shalay ay ku sameeyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in sharci daro ay tahay xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyay, waxa uuna tilmaamay in Xildhibaanada Xilka ka qaaday ay gaarayaan 48-Xildhibaan ayna awood u laheyn in ay xilka ka qaadaan .

” Waa sharci daro xil ka qaadista la sheegayo, 48-Xildhibaan oo meel isugu tagtay aniga xil igama qaadi karaan, waxaa hada ila joogta 50-Xildhibaan marka hakeeneen cadeynta 66-da Xildhibaan ee xilka iga qaaday ” Ayuu Yiri Cali Cosoble.

Cali Cosoble ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay il gaar ah ku hayaan xaalada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabelle, waxa uuna cadeeyay in uusan aqbaleyn xil ka qaadista lagu sameeyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Cali Cosoble, waxa ayna ku eedeeyeen maamul xumo iyo wax qabad la’aan.

  
        
          

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*

  • Buraan Bur loo tiriyay Wiilasha Boholgaras

  • Gabay deefoow

  • Degmada Boholgaras