Home » WARAR » Maamulka Degmada Boholgaras oo ku dhaqaaqay arrin ka yaabisay waxgaradka deegaanka

Maamulka Degmada Boholgaras oo ku dhaqaaqay arrin ka yaabisay waxgaradka deegaanka

Degmada Boholgaras ayaa maalmahaan ku jirtay xaalad adag kadib markii waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeedo Deegaanka ay soo jeediyeen in shaqo ka joojin lagu sameeyo Maamulka hadda ka arimiyo degmada.

waxaa lagu eedeeyay Maamulka  lunsi hantida Deegaanka iyo in ay baal mareen shaqadii loo igmaday.

Maamulka ayaa noqday mid looga arimiyo Doolow soomaali sidoo kale waxa ay deegaanka ka ceyriyeen hey’ado gargaar oo caalami ah   iyagoo ku badalay hay’add ay shaqsiyaad gaar ah leeyihiin.

arrintaan ayaa aad ooga careysiisay Waxgaradka iyadoo qasabtayna in maamulka shaqo ka joojin lagu sameeyo lana dhiso guddi soo qaban qaabiyo doorashada Maamul cusub.

waxaa la filayaa dhawaan in ay dhacdo doorasho xalaal ah ay kawada qeybqaataan dhammaan dadka degaanka lana soo doorto Maamul cadaalad iyo sinaan dadka ku dhaqa.

 

  
        
          

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*

  • Buraan Bur loo tiriyay Wiilasha Boholgaras

  • Gabay deefoow

  • Degmada Boholgaras