Home » WARAR » Deg Deg Dagaal kharaar ka socdo Degmada Xeraale

Deg Deg Dagaal kharaar ka socdo Degmada Xeraale

Wararka aan hadda ka heleyno Degmada Xeraale ayaa sheegayo in uu hadda ka socdo dagaal kharaar oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan , Gaadiidka dagaalka iyo hubka daran dooriga u dhaca.

Inta la ogyahay dhimashada ayaa gaarayso toban qofood oo ubadan maleeshiyada deegaanka soo weerartay iyo dhaawac fara badan.

Maleeshiyadaan oo dhowr jeer isku dayday in ay Degmada qabsadaan ayaa casharo loo dhigay iska cabin adagna kala kulmay  Ciidamada Milatariga Xeraale.

Wararka ayaa sheegayo in laba gaari laga gubay maleeshiyada garabka ka heleyso beesha ceyr  oo hadafkoodu yahay baabi’inta Shacabka Masaakiinta ee ku dhaqan Degmada Xeraale.

Dagaalkaan oo ujeedkiisu yahay Qabsashada Degmada Xeraale ayaa waxaa hurinayo Maleeshiyaad beelo ku faraxsan burburka Degmada Xeraale.

Wixii warar ah eek u soo kordha waan idin la socodsiin doonaa.

  
        
          

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*

  • Buraan Bur loo tiriyay Wiilasha Boholgaras

  • Gabay deefoow

  • Degmada Boholgaras