Home » GORFEYN » BF Soomaaliya oo ka doodayo Mooshin cusub

BF Soomaaliya oo ka doodayo Mooshin cusub

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  maanta kulan yeelanaya waxeyna ka doodi Mooshin  cusub  oo ku aadan in la joojiyo badeecadaha dibadda laga keeno ee dalka laga heli karo.

Mooshinkan cusub ee ka doodistiisa maanta Xildhibaanada guda galayaan ayaa waxaa Gudoonka Baarlamaanka Somalia u gudbiyay 50-Xildhibaan, kuwaa dalbaday joojinta soo dhoofinta badeecadaha laga heli karo dalka.

Xildhibaanada Mooshinkan gudbiyay qaarkood ayaa sheegay in Mooshinkan cusub uu leeyahay muhiimad gaar ah uuna dhiira galinayo wax soo saarka dalka laguna joojinayo waxyaabaha qaar ee dibada laga keeno.

Mooshinkan cusub ee Baarlamaanka maanta ka doodayaan ayaa ka bedelan mooshinadii hore oo inta badan ku saabsanaa arimo siyaasad la xariira, waxaana mooshinkan soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed oo u aragta mid muhiimad gaar ah leh.

 

Xafiiska Boholgaras news

  
        
          

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*

  • Buraan Bur loo tiriyay Wiilasha Boholgaras

  • Gabay deefoow

  • Degmada Boholgaras