Home » GORFEYN » Baroor Diiq qaran oo loo qabtay Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarddda X.Xoolaha Dhirta& Daaqa

Baroor Diiq qaran oo loo qabtay Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarddda X.Xoolaha Dhirta& Daaqa

Baroor diiq qaran ay ka soo qeyb galeen Madax sare iyo xildhibaano labada aqal ayaa lagu qabtay hotel SYL.

Baroor diiqdaan oo loo sameynayay labada Marxuum Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane Maxamed wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaardda X.Xoolaha Dhirta & Daaqa iyo Maxamed Xasan ayaa si heer sare ah uga dhacday Hoteel Syl.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowlladda Federaalka xildhibaano labada aqal ah iyo Mas’uuliyiin xilal muhiim ah Dalka ka soo qabtay.

Waxaa goobta kalmada wax ku ool ah ka soo jeediyay Wasiirkii hore ee Wasaardda Qorsheynta ahaana Musharax Madaxweyn Cabdraxmaan cabdishakuur , xildhibaan Axmed Macalin Fiqi .

Waxaa xafladda soo gunaanuday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Tacliinta sare Mr Ducaale Maxamed Gaarane oo walaalo ay ahaayeen Marxuum Gaarane sidoo kale waxaa ku xigay wasiiru dowlihii hore Axmed Xasan oo isna ay walaalo ahaayeen Marxuum Maxamed Xasan

Waxaa gabogabadii soo af xiray Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad cawid oo soo qaban qaabiyay Baroor diiqda.

 

Mar dhaw waxaan idiin soo gudbin doonaa taariikhda shahiid Cabdinaasir maxamed Gaarane hadduu alle ka raali noqdo.

  
        
          

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*

  • Buraan Bur loo tiriyay Wiilasha Boholgaras

  • Gabay deefoow

  • Degmada Boholgaras